Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland Gen Ismaaciil Saxardiid ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ka dhacay lagta Caanoole ee gobolka Jubada hoose.

Kooxda alshabaab

Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland

 Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid Kaydsane oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose Ismaaciil Saxardiid Kaydsane ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Buulo-Xaaji iyo halka loo yaqaano Lagta Caanoole oo ka wada tirsan gobolka Jubada hoose

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu sii eryanayaan

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu sii eryanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla maraakana ay ka daba tegayaan halka ay ku dhuumaaleysanayaan Dhuumaaleysi ayay ku jiraan geed kasto oo ay hoos galaan ciidanka waa ka daba galayaan” ayuu yiri Janeraal lagta Caanoole ee gobolka Jubada hoose

Waxaa kale oo uu yiri waxaa la gaaray xilligii Shabaab

Waxaa kale oo uu yiri waxaa la gaaray xilligii Shabaab gabalkooda uu dhacay meel walbo oo ay ciidankeenna isaga hor imaadaan waa looga gacan sarreeyaa sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in uu sii socon doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ujeedkana uu yahay in laga ciribtiro guud ahaan deegaanada Jubbaland

Howlgalka wuuu soconayaa illaa aan ka ciribtirno kooxda Al-Shabaab, ama usoo hoyanayaan magaalo kamid ah Jubbaland”. ayuu mar kale yiri taliyuhu hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose, kadib dagaallo ka dhacay halkaasi

Post a Comment

0 Comments