Xubno badan oo Kooxda alShabaab ah oo lagu laayay gobolka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay

Kooxda alShabaab

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah

Qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed

Qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Daraawiishta ay iska caabiyeen weerarka uga yimid Shabaab, ayna hayeen xogtiisa Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday inay dishay 12 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib kamid ah Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Qansaxdheere

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xustay

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xustay inay la wareegtay hub ay ka carareen xubnaha Al-Shabaab, kaas oo noocyo kale duwan leh, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ciidanka Daraawiishta Degmada Qansax-Dheere oo hayey xogta weerarkan ayaa Khawaarijta gaarsiiyey jab xoogan waxaana laga furtay hubka dagaalka oo kala duwan

Waxaana lagu raadjoogaa haraadiga kuwii weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri qoraaka Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo culus ka wada ahalkaasi inta badan waxaa gobollada Baay iyo Bakool ka dhaca weeraro culus oo ay soo abaabulaan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla labadaas gobol

Post a Comment

0 Comments