Howlgal culus oo la isugu furayo laba magaalo muhiim ah oo ka billaaban doona maamulka hirshabelle

Maamulka Hirshabelle

 Waxaa socota u diyaar-garowga u dambeeyay ee howlgal culus

Waxaa socota u diyaar-garowga u dambeeyay ee howlgal culus oo la isugu furayo magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee maamulka HirShabelle madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo taliyaha lugta Dayax Cabdi Cabduulle ayaa shiray howl-galkan Al-Shabaab looga sifeynayo magaalooyinkan, si la isugu furo

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen guddoomiyaha barlamaanka HirShabelle iyo saraakiil kale, ayaa waxaa iskula qaatay in la bilaabo howlgal Al-Shabaab looga sifeynayo wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/Dhexe

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkiisa

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidaa la isugu furi magaalooyinkan, loogana sifeyn lahaa gebi ahaanba kooxda Al-Shabaab waxaan dadaal mid ah ugu jirnaa sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa Khawaarijta gaar ahaana deegaanada dowlad-goboleedka HirShabelle ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Howl-galkan oo wax weyn ka tiri doona isku xiranka degmooyinka maamulka, gaar ahaan Balcad iyo Jowhar, maadaama wadadaasi marar badan kooxda Al-Shabaab ka geysteen weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwa toos ah, oo khasaarw kala dhasheen

Si kastaba, Howl-galka ayaa imanaya xilli la dardar-gelinayo dagaalka Al-Shabaab, kaas oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid, iyada oo xusid mudan tahay in maamulka HirShabelle kamid yahay maamullada jabka culus lagu gaarsiiyay kooxda

Post a Comment

0 Comments