Qorshe cajiib ah oo kooxda Al-Shabab lagu cunaqabateeyey oo ka dhaqan galay Muqdisho

kooxda Al-Shabab

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho iyo magaalooyinka kale

 Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah ka hirgelisay qorshe culus oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku cunaqabateyneyso, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada dhexe maalin kasta gaadiidka ka baxaya magaalada Muqdisho ee u socda gobollada HirShabeelle iyo Galmudug waxaa la diiwaan-geliyaa xogtooda oo dhameystiran, si Al-Shabaab aysan u helin wax fursad ah

Dadka raacaya iyo alaabaha uu qaadayo gaari kasta

Dadka raacaya iyo alaabaha uu qaadayo gaari kasta ayaa la diiwaan-geliyaa oo la sawiraa, lagana reebaa muuqaalo cadeyn ah iyo sidoo kale waxaa la hubiyaa magaalada ay u safrayaan gaadiidka ka baxaya Muqdisho xogta ay diiwaan geliyaan ciidamada ammaanka ee Muqdisho ka howlgala waxaa loo diraa dhamaan ciidamada jooga goobaha ay sii marayaan gaadiidka safraya, si loo tira koobo dadka iyo alaabaha oo Shabaab aan loogu geyn

Tusaale, gaarigii ka baxa magaalada Muqdisho

Tusaale, gaarigii ka baxa magaalada Muqdisho ee u socda magalaada Gaalkacyo ama magaalooyinka kale ee Sh/Dhexe, Hiiraan, ilaa Galgaduud iyo Mudug, markii la diiwaan geliyo xogtiisa, waxaa lagu hubinayaa magaalo kasta oo uu sii maro, ilaa uu ka tago magaalada uu u socdo si lamid ah Muqdisho, magaalooyinka kale ee gobollada dhexe gaarigii kasoo baxaya waxaa laga diiwaan geliyaa xogta safarkiisa

Qof kasta meesha uu u socdo iyo alaabaha uu wato ayaa la weydiinayaa, kadib waxaa ku kor-joogteynaya ciidamada ammaanka gaarigii ka baxa Muqdisho ee dhex ku dejiya qof ama alaab, waxaa loo aqoonsanayaa mid u shaqeeya Al-Shabaab, wuxuuna muteysanayaa ciqaabta uu muteysto, maadaama kooxdaas la saaray cunaqabateyn adag oo gaajo ay ugu dhimanayaan dhulka howdka ah ee u dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa mar hore joojisay in loo safro deegaanada ay joogaan kooxaha argagixisada ah ee dhaca bari ee Galmudug ama la geeyo raashin, shidaal iyo wax kasta oo sahay ah, taasi oo dhibaato culus ku noqotay argagixisada waxay aragtay muuqaal laga duubay dadka ka baxa Muqdisho oo raaca gaadiidka loo yaqaano Leylada ee laga raro suuqa weyn ee Bakaaraha oo ciidamada ammaanka ay diiwaan-gelinayaan xogtooda

Si loogu dabajiro ilaa ay ka tagaan halkii ay u socdeen dhowaan waxaa maxkamadda ciidamada Soomaaliya lasoo taagay 7 gabdhood oo aad u da’ yar, kuwaas oo laga qabtay Suuq Bacaad Muqdisho iyagoo gaari ka raacaya, una socda Horjoogayaasha Khawaarijta oo soo dalbaday, waxayna Maxkamadu amartay in gabdhahaas la geeyo goob lagu daryeelo, maadaama waalidkood dayacay

Post a Comment

0 Comments