Macalimiintii Muqdisho oo Shabaab aaday, halisna ugu jira duqeyn iyo DF oo ogaatay

 
Macalimiintii Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab ayaa u yeertay Macalimiinta

Kooxda Al-Shabaab ayaa u yeertay Macalimiinta goobaha waxbarashada ee iskuullada iyo jaamacadaha, waxaana xaalad halis ah ku jirta macalimiintii u hoggaansan tahay amarka kooxda Al-Shabaab xaaladaan waxay taagan tahay muddo todobaad ah, macalimiin badan ayaa kooxda ugu tagtay tuulada Tawakal ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo u hoggaansamay amarkii Al-Shabaab

Macalimiinta qaar waxaa u suurta gashay

Macalimiinta qaar waxaa u suurta gashay inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, markii ay soo kala dhamaadeen Al-Shabaab, balse kuwo kale ayaa weli ku xayiran gobolka Shabeellada Hoose deegaano ka tirsan oo Shabaab heystaan kooxda ayaa ku qasabtay macalimiinta ay tagaan dhulka ay sida dhuumaaleysiga ah ku joogaan, intii qaadatay amarkooda waxaa ogaatay dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay inay Muqdisho ku soo laaba waayaan

Markii laga reebo tiro kooban oo macalimiintaas uga soo laabatay

Markii laga reebo tiro kooban oo macalimiintaas uga soo laabatay Muqdisho, hadana Caasimada Online waxay ogaatay intooda badan inay ku xayiran yihiin dhulka howdka ah ee Tuulada Tawakal oo ka tirsan gobolla Sh/Hoose hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka warhelay qorshaha macalimiintaasi ay u baxeen, waxaana ku adkaatay inay Muqdisho ku soo laabtaan, maadaama dembiga ay galeen ay ku muteysanayaan xabsi iyo maxkamadeyn

Macalimiinta ayaa halis ugu jirta in lala beegsado duqeymaha ay fuliyaan ciidamada xoogga iyo la howlgalayaashooda caalamka, waxayna Al-Shabaab ku hayaan dhulka howdka ah, iyadoo habeenba meel la geeyo ma heystaan taleefano ay kula hadlaan qoysaskooda, maadaama kooxda Al-Shabaab aysan ogoleyn oo taleefanadii ay ka uruurisay, 

Inta badan xogta macalimiintaas waxaa soo dusiyey xubno kamid ah macalimiintii kasoo laabatay Al-Shabaab, kuwaas oo deg deg uga soo laabtay deegaanadii looga yeeray Kooxda Al-Shabaab ayaa cagajugleyn iyo beegsi culus ku heysa macalimiinta, ganacsatada iyo dad badan oo shacab ah oo dhaqaale ay ku tuhmayaan, horay sidaan oo kale waxay ugu yeereen iimaamyada qaar ka mid ah Masaajidda Muqdisho, kuwaas oo ugu tegay kooxda deegaanada ay joogaan, cashirana ka soo qaatay Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments