Go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska askar NISA iyo booliska oo lagu dhowaaqay

 
Maxkamada sare

Maxkamadda sare ee ciidmada qalabka sida

Maxkamadda sare ee ciidmada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed labada nin oo ka wada howl-galayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, ayaa lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid kamid ah gaadiidka dadweynaha iyo cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida

27-kii bisha lixaad ee sanadkaan is-rasaaseyn dhex-martay

27-kii bisha lixaad ee sanadkaan is-rasaaseyn dhex-martay labada eedeysane ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan Xafiiska xeer ilaalinta iyo ehellada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa racfaan ka qaatay xukunkii maxkamadda darajada koowaad ay horey ugu riday labada eedeysane 28-kii August, xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa mar kale codsaday qaadista kiiskaan

Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida

Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan 1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) ayey maxkamada sare ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay 6 sano oo xabsi ciidan ah sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo-guuto Liibaan Cali Yaroow, guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida

Post a Comment

0 Comments