Saraakiil MAREYKAN ah oo tegay furinta hore dagaalka Shabeelaha Dhexe

Somalia iyo mareykanka

 Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow iyo wafdi saraakiil Mareykan ah ayaa maanta gaaray furinta hore ee dagaalka ee dhinaca gobolka Shabeelaha Dhexe saraakiisha Mareykanka ee wehlinaya taliyaha ciidamada Xoogga dalka 

Waxaa kamid ah taliyaha howlgallada gaarka ah 

Waxaa kamid ah taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi sidoo kale waxay saraakiishan kulamo la qaateen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, ayada oo kulanka looga hadlay sidii kooxda Al-Shabaab looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin deegaanada HirShabelle iyo guud ahaan dalka

Taliye Ibraahim Sheekh Muxyidiin

Taliye Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo kulanka ka hadlay ayaa amray saraakiisha ay la kulmeen inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga dhankooda saraakiisha ka socota Mareykanka ayaa soo dhaweeyay howlgalkaan

Waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayna ka qaadan doonaan doorkooda dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Shabeelaha Dhexe dib looga bilaabay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolkaasi.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolka ka dhacday duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaabka ku sugan hawdka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale taageero siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Post a Comment

0 Comments