Laamaha amniga magaalada Muqdisho oo qaati ka taagan Prank

magaalada Muqdisho

Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin

 Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in lagu sameeyo Prank, iyaga oo bulshada uga digay arrintaan oo kusoo badaneysa magaalada caasimada ah ee Muqdisho guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lala xisaabtami doonno dad uu ku tilmaamay in ay hay’adaha amniga degmadaas ku sameynayaan Prank ama loo yaqaan kaftan ciyaareed

Waxa uu soo bandhigay xog-baaris ay ku sameeyeen kiisas cabasho

Waxa uu soo bandhigay xog-baaris ay ku sameeyeen kiisas cabasho ah oo la xiriiray in degmada Kaxda dad looga dhacay telefoonnada gacanta, balse baaris dheer kaddib ay caddeeyeen in hal qof oo keliya looga qaatay degmadaas guddoomiyaha ayaa sheegay in dhalinyarada qaar ee cabashada dhaca telefoonka u gudbiyay hay’adaha ammaanka ay markii dambe u sheegeen in ay ku sameynayeen Prank, halka qaar kale ay iibsadeen

Amnigu Prank ma galo, kama aqbalaayo oo waan cafiyay

Amnigu Prank ma galo, kama aqbalaayo oo waan cafiyay kuwii sidaas sameeyay, rabbul-cizza ma cafin doonno, tallaab ayaa laga qaadayaa, waalidiinta ordayoo ee la xiriiraya laamaha ammaanka ee cabashada gudbinaya waxa aan leeyahay hubiya wiilashiina waxa ay barteen, iyaga ayaa iibsaday telefoonnadooda,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray saraakiisha iyo mas’uuliyiin kale ee degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ka shaqeeya, isaggoo ku hanjabay in sharciga lala tiigsan doonno mas’uulkii ama askarigii ku xad-gudba shacabka Mawaadinka haddii uu qaldamo xaq uma lihid in aad tunto, muwaadin inta ay bistoolad la baxaan ama feer la dhacaan kama aqbali doonno, sarkaalka ciidanka katirsan ee qori ku qabta qof Shacab ah lagama aqbalaayo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa uu intaas kusii daray muwaadinka dhibbanaha ah adigana ha aamusin ee imoow, waala qabanaa oo sharciga ayaa la horgeynayaa si kastaba, muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay kiisaska dhaca la xiriira ee laamaha ammaanka loo gudbinayo, iyada oo ciidamaduna ay bilaabeen raad-raaca kiisaskaasi oo qaarkood ay dad usoo qabteen, halka ay barbar socdaan kuwa kale oo lagu sheegay “kaftan ciyaareed”, kuwaas oo jahwareer ku riday laamaha ammaanka

Post a Comment

0 Comments