Duullimaadyadii Soomaalida ee Kenya oo xayiran iyo xaalad cakiran oo taagan

Somalia iyo kenya

Shaqadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah Joma Kenyatta

 Shaqadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah Joma Kenyatta ee caasimadda dalka Kenya ayaa hakad galay, iyadoo shaqaalaha duulista ay sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan soo jeedin ah in xarunta laga kireeyo shirkad laga leeyahay dalka Hindiya boqolaal rakaab ah ayaa ku xayiran garoonka, kaas oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika

Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin

Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin aan la cayimin kadib markii ay dawladda Kenya ku guul-darraysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska muranka dhaliyay dowladda Kenya ayaa si cad u diiday soo jeedintaas ururka shaqaalaha duulista, iyadoo sheegtay in garoonku uu ku shaqeeyo si ka baxsan awoodiisa, isla markaana uu u baahan yahay maalgashi gaar ah, si loo tayeeyo

Qaar kamid ah shaqaalaha iyo dad kale oo u soo hiiliyey

Qaar kamid ah shaqaalaha iyo dad kale oo u soo hiiliyey ayaa saakay soo dhoobtay jidadka soo gala garoonka, iyagoo yeerinaya turumbooyin caag ah, isla markaana ku dhawaqaya “Shirkadda Caddaani ha baxdo muuqaallo laga soo duubay dadkii banaanbaxa dhigay waxaa ka soo muuqday askari boolis ah oo ul ku garaacaya dibad-baxayaasha.

Duulimaadyada saakay baaqday waxaa ka mid ah duulimaadyadii aadi lahaa Muqdisho, waxayna arrintaan si weyn u saameysay Soomaalidii ka safri laheyd Nairobi haashim Cali oo ah maamulaha guud ee Primier Airlines ayaa BBC uga warramay xaaladda garoonka, waxa uu sheegay in xaalku yahay mid cakiran oo saameyn ku yeeshay shaqo joojinta shaqaalaha hey’adda duulista Kenya ay sameeyeen, ugu yaraan saddex duulimaad ayaa saakay ka baaqday shirkadda Haashim

Dadka safarka ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa ilaa xalay saqdii dhexe taagnaa garoonka, kuwaas oo aan u sheegnay markii danbe in ay guryahooda aadan” ayuu yiri Haashim oo kamid ah maamulayaasha shirkadaha diyaaradaha maanta baaqday ee ku xayirmay Nairobi

Post a Comment

0 Comments