Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka qarxay xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacagaalka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Jalalaqsi, waxaana uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhammaan maleeshiyaadkii dagaalamay Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka diriray oo wada is uruursi ciidan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Sii socoshada dagaalladan ayaa laga digayaa, maadaama ay saameyn karaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo horay looga gaaray guulo waa wayn

Post a Comment

0 Comments