Dowladda oo shaacisay xogta horjooge SHABAAB oo usoo gacan galay

Kooxda alshabab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xogta horjooge

 Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xogta horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka horjoogahan oo lagu magacaabo Cali Geelle ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gal qorsheysan oo ciidamada iskaashanaya ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud

Horjoogahan gacanta lagu dhigay ayaa kooxda Al-Shabaab

Horjoogahan gacanta lagu dhigay ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda hantida shacabka iyo askareynta carruurta, sida ay shaacisay dowladda Sidoo kale inta uu howl-galka socday sidoo kale ciidanka gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay Suzuki, qori AK-47 iyo caag rasaas ah oo halka uu horjoogahan ku dhuumaaleysanayay laga helay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka 

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa haatan deegaanada dhaca gobolka Galgaduud ka wada howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdoa wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid dowladda Soomaaliya ayaa haatan dadaal xooggan gelinaysa howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

Waxaana isla maanta kooxda laga dilay 12 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed, kadib weerar ka dhacay gobolka Baay Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka oo heer geba-gebo ah maraya ayaa tan iyo markii uu bilowday waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah, kuwaasi oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda

Post a Comment

0 Comments