Dowladda somalia iyo Mareykanka oo go’aan culus ku gaaray Muqdisho

Somalia iyo mareykan

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka

 Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aan culus ka gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, waxayna go’aamiyeen in lasii wado howlgallada xoreynta ah arrintan ayaa lagu go’aamiyay kulan gaar ah oo ay Muqdisho ku yeesheen taliyaha ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxidiin Cadow iyo taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell oo soo gaaray caasimada

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay ciribtirka Al-Shabaab

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay ciribtirka kooxda Al-Shabaab iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalka lagula jiro kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan looga hadlayay ciribtirka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta la qaatay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell 

Waxaana kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaal

Waxaana kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaal iyo sidii loo xureyn lahaa goobaha wili cadawgu kaga suganyahay Dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagana saaro goobaha ay wili shacabka ku gumaadaan”.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxidiin oo sidoo kale madasha ka hadlay ayaa Mareykanka u sheegay inay muhiim u yihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxda 

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo duqeymo hawada ku tageero ciidanka dowladda, sidoo kalena tababaro siiyo Kumaandooska Danab

Post a Comment

0 Comments