Taliska ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo soo bandhigtay maydadka Al-Shabaab maanta la laayey

ciidamada Jubbaland

 Taliska ciidamada Daraawiishta Jubbaland

Taliska ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaallo culus oo maanta ciidamadooda kuwa Xoogga dalka ay maanta la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo saaka weeraro ku qaaday deegaanada Buulo-Xaji iyo Harboole oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose

Qoraal ay shaacisay Jubbaland

Qoraal ay shaacisay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalladaasi lagu jebiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana dib loo celiyay saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in maydadka xubno badan oo la laayay ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay, sida ay hadalka u dhigeen

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay hub iyo saanad ka furteen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ee beegsaday deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose saaka waxaa daadsan bakhtiga Khawaarijta oo tiro beel ah, sidoo kale halyeeyada Jubbaland ayaa furtay hub faro badan oo ay Argagixisada is lahaayeen ku dhibaateeya dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidoo kale deegaanka Harboole waxaa banaanada daadsan meydad kor dhaafaya 60 waxaana jira dhagarqabayaal la qabtay iyagoo nool Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay Jubbaland.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale

Post a Comment

0 Comments