Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyey duleedka magaalada BALCAD

alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha DhexeShabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay soo buux dhaafiyeen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay qaybo kamid ah gobolkaasi maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu arkay nawaaxiga deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Balcad

Sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah

Sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah kooxda ayaa durbo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka billowday tuulooyinka kala ah Shanlow Dhagaxow iyo Farbaraki, halkaas oo ay ka sameysteen fariimso cusub taliye ku xigeenka saldhigga Xawaadley Xanafi Sheekh Isxaaq oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaqa Al-ShabaabAl-Shabaab

Wuxuuna sheegay inay soo gaareen tuulooyinka u dhow

Wuxuuna sheegay inay soo gaareen tuulooyinka u dhow deegaankaasi Xanafi ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay wadaan qorshe ku aadan sidii looga hortagi lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee soo buux dhaafiyay halkaasi deegaanada ay soo buux dhaafiyeen way jirtaa, haddii nimankan dhaq-dhaqaaqooda lala socon inay wax badan ku dheeli doonaan

Marka annaga waan ka war heynaa, mana soo qaadi karaan wax tallaabo ah” ayuu yiri taliye ku xigeenka saldhigga deegaanka Xawaadley Xawaadley dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna ciidamo ka daabushay gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay gaaray aaga degmada Ruun-nirgood oo ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii 1-aad ee dagaalka, balse mar kale ayay u muuqataa in kooxda ay kusoo rogaal celisay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Post a Comment

0 Comments