Maamulada Jubaland iyo K/Galbeed oo isku raacay qorshe culus oo dhabar-jab ku ah dowladda

Jubaland iyo K/Galbeed

Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada

 Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Koonfur GalbeedKoonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa muujiyey in aysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkaan la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS

Xuseen Sheekh Cali, oo ka hadlay X Space

Xuseen Sheekh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda wadamada kale ee ka tirsan ATMIS ATMIS oo sii jooga Soomaaliya, qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka

Hase yeeshee fikardo taas ka duwan 

Hase yeeshee fikardo taas ka duwan waxaa bixiyey masuuliyiin ka tirsan labada maamul oo degaanadooda ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa VOA VOA u sheegay inay arrintaasi tahay “xaalad adag.”

Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,” ayuu yiri sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa VOA u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

Hadalka ka soo yeeray dowlad goboleedyadaan ayaa dhabar-jab weyn ku ah qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaal diblomaasiyadeed kula jirta dowladda Itoobiya, qorshaha dowladda waxaa ka mid ah in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan kumanaanka ATMIS ee dhamaadka sanadkaan dalka ka baxaya

Post a Comment

0 Comments