Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka socda degmada Bardaale

Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka qarxay degmada Bardaale ee gobolka Baaygobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed hubeysan dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka Koonfur GalbeedKoonfur Galbeed Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, kaas oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka shacabka ku dhaqan magaalada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

Bardaale ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnayd colaad beeleed saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan gudaha degmadaas oo ka tirsan gobolka Baay si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada maamulkaasi

Post a Comment

0 Comments