Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya ayaa sheegatay qarax ka dhacay Muqdisho

Kooxda Daacish

Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya

Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegatay inay ka dambeysay weerar loo adeegsaday qarax miino oo Talaadadii ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho daacish oo qoraalkeeda ku baahisay Internetka ayaa ku sheegtay in qaraxaasi ay la eegatay ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Waxaana ka dhashay khasaar isugu jiro dhimasho iyo dhaawac

Waxaana ka dhashay khasaar isugu jiro dhimasho iyo dhaawac kooxda ayaa sheegatay inay weerarkan ay ku dishay ugu yaraan 2 askari2 askari, ayna ku dhaawacday 4 kale oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la qarxiyay sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay inay sii wadi doono weeraradeeda iyo beegsiga ay ku hayso ciidamada ammaanka iyo dadka kale ee u shaqeeyo dowladda Soomaaliya

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay 

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan sheegashada kooxda Daacish Daacish ee ku aadan miinada ku qaraxday degmada Dayniile inta badan Daacish ayaa weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliso gudaha caasimada, balse wa kuwa kooban, maadaama ay dagaalyahannadeeda ay si dhumaaleysi ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho

Daacish, faraceeda Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka waddo dhul ballaarsi, waxayna marar badan isku dhaceen Al-Shabaab, kadib dagaallo ku dhex-maray halkaasi

Post a Comment

0 Comments