Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka dhacay degmada Xudur

Shabaab iyo ciidanka Itoobiya

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya Soomaaliya dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogag Al-Shabaab ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka ItoobiyaItoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah Dagaalka oo saacad ka badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan magaalada Xudur Xudur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaadan saldhigga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Xudur bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS

Post a Comment

0 Comments