Dowladda somalia oo shaacisay in madax Shabaab ah lagu dilay howlgal culus oo ka dhacay Puntland

Dowladda somalia


Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howl-gal culus oo ka dhacay deegaannada maamul goboleedka Puntland bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan lagu dilay in ka badan 20 Al-Shabaab ay oo ay ku jiraan saddex horjooge tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka

Kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland

Kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow Calmadow ee deegaannada Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda howl-galka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla buuraha Calmadow, ayada oo halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland, sida lagu yiri qoraalka

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dowladda ka go’an tahay dhamaystirka argagixisada, si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen howl-galkan ayaa noqonaya midkii ugu cuslaa ee muddooyinkan dambe lagu beegsado Shabaab-ka ku dhuumaaleysanaya deegaannada maamulka Puntland, xilli qeybo kamid ah dalka dib looga abaabulayo dagaalka dhanka ah kooxda

Post a Comment

0 Comments