Al-Shabaab oo dagaal toos ah ku qaaday gudaha Kenya

 

Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Kenya Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan deegaanka Ijaara, waxaana kadib xigay dagaal toos ah

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-ShabaabAl-Shabaab, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa dhankeedda guul ka sheegtay

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa dhankeedda guul ka sheegtay dagaalka, waxayna shaacisay inay gubtay mid kamid ah kolonyada ciidanka Kenya, ayna dishay askar, sida ay hadalka u dhigtay xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan muddooyinkii u dambeeyay weerarada ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud

Post a Comment

0 Comments