Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool Bakool ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi dagaal labaad ayaa muddo 24 saacad gudahood labada dhinac ku dhex-maray degmooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadan oo qayb ka ah ATMIS

Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay xalay

Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hub culus War kasoo baxay kooxda ayaa lagu sheegay inay dagaalka Diinsoor Diinsoor ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, ayna ku dhaawaceen kuwa kale, sida lagu sheegay bayaanka

Dhankooda taliska ciidanka Itoobiya

Dhankooda taliska ciidanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen maleeshiyada soo weerartay, dibna ay u celiyeen, kadib dagaal ka dhacay halkaasi xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana degmada Diinsoor iyo nawaaxigeeda howlgallo culus ka wada ciidamada Itoobiya Itoobiya oo baadi goob ugu jiro xoogagii xalay soo weeraray

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo shalay labada dhinac ku dhex-maray degmada Xudur, kadib markii saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay weerareen Al-Shabaab weerarkaas ayaa ku billowday madaafiic, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac uu kasoo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS

Post a Comment

0 Comments