Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan ciidamada ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale

Kooxda alshabaab

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha HooseShabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay Ururada 66-aad iyo 83-aad ee Guutada 14-ka October ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Kuwaas oo cagta mariyay xarumo ay Al-Shabaab

Kuwaas oo cagta mariyay xarumo ay Al-ShabaabAl-Shabaab ku lahaayeen tuulooyin hoostaga magaalada Janaale, sida ay innoo sheegeen saraakiisha horkaceysay howlgalka sidoo kale ciidamada ayaa howlgalladan ku gaaran tuulooyinka Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xooggga

Inta uu howlgalka uu socday 

Inta uu howlgalka uu socday waxaa sidoo kale lagu gubay doonyo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ay u isticmaali jireen gudbinta qaraxyada iyo maleeshiyaadjooda howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay tuulooyinka Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale ayay sidoo kale geesiyaasha qaranka ku gubeen doomo ay Khawaarijta Khawaarijta Arxanka daran u isticmaali jireen gudbinta Qaraxyada iyo daabulista Maleeshiyaadkooda ee Wabiga labadiisa dhinac” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana qorshaha uu yahay in Al-Shabaab aga ciribtiro aagga deegaanka Janaale dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca weeraro kala duwan oo ay soo maleegaan maleeshiyaadka kooxda

Post a Comment

0 Comments