Kooxda Al-Shabaab oo weeraray deegaan uu qabashadiisa ku farxay ra’iisul wasaare Xamza

Kooxda Al-Shabaab

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose

 Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Buula Xaaji oo ay maalin kahor qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland, isla-markaana uu aad ugu farxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay xoreynta deegaankaasi

Xubno ka tirsan kooxda ayaa lasoo wariyay in weerar 

Xubno ka tirsan kooxda ayaa lasoo wariyay in weerar aarbushaad ah ay ku qaadeen deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana kadib xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac iska hor imaadka dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo socday muddo daqiiqado ah ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, waxaana dib loo celiyay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan Buula Xaaji

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan Buula Xaaji ayaa sheegay in weli ay joogaan magaalada, ayna wadaan howlgallo ay ku baacsanahaan xubnaha weerarka soo qaaday oo ka baxsaday goobta deegaankan ayaa waxaa horay u tagay mas’uuliyiin ka tirsan  dowlad goboleedka Jubbaland iyo saraakiil ciidan, si ay u dhiirogeliyaan ciidamada xoreeyay halkaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay qabashada Buula Xaaji ayaa u hambaleeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee fuliyay howlgalka looga adkaaday Al-Shabaab Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan” ayuu horay u yiri ra’iisul wasaaruhu.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh, iyaga oo kaabiga ku haya degmada Badhaadhe oo weli gacanta ugu jirto kooxda Al-Shabaab Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka

Post a Comment

0 Comments