4 nin oo lagu qabtay dagaalkii Ceeldheer iyo geerida askari u gacan-galay Al-Shabaab

Kooxda alshabaab

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer

 Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay, waxaa jira rag nolosha lagu qabtay oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin AlShabaab, kuwaas loo soo qaaday Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo ragaas waxay gaarayaan afar nin, waxaana qabtay ciidanka dowladda oo sii raacdeysanaya Shabaab-kii soo weeraray Ceeldheer oo dagaalka lagu jebiyey

Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen

Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in ragga la qabtay ay wateen gaari yar oo Suuksuuki ama Kabtabuud ah, waxayna ka yimaadeen dhinaca deegaanka Cowsweyne oo hoos taga Ceeldheer ciidanka ayaa soo jeebeeyey ragaas, waxayna keeneen Ceeldheer isla shalay waxaa lagu soo qaaday diyaarad military oo keentay Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo, inkastoo aan weli xog laga helin waxa ka soo baxay baaritaanka ragaas

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ragga la qabtay

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ragga la qabtay, saraakiisha qaar waxay noo sheegeen inay ahaayeen Shabaab gurmad ah, halka qaar ka mid ah dadka deegaanka ay noo sheegeen in ragaasi ay raadinayeen qoryo ay bililiqeystaan sidoo kale xogaha aan dadka deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in ragga shalay lagu qabtay duleedka Ceeldheer ay ka mid yihiin shacabkii qoryaha ciidanka dowladda ku bililiqeystay Cawsweyne

Markii lagu jabiyey ciidanka qaranka Shabaab-na ay isaga carareen deegaanka ragaan inta aan ka naqaan Shabaab ma aheyn waxay iska ahayeen reer miyi, balse waxay barteen bililiqo oo dagaalkii Cawsweyne ayey dhowr qori ka heleen, marka sidii oo kale ayey rabeen inay Ceeldheer qoryo ka helaan markii la jebiyo ciidanka dowladda, balse waxaa qabtay ciidankii oo sii ceyrsanaya firxadka Al-Shabaab ayuu yiri nin aan magaciisa u qarinay sababo amnio o Ceeldheer ku sugan.

Dhinaca kale, dadka deegaanka waxay noo sheegeen in hareeraha degmada Ceeldheer ay buuxaan meydadka Shabaab-kii shalay lagu laayey dagaalka, ilaa seddax goobood ayaa la sheegay in meydadku ay toban-toban u yaalaan Arrinta murugada leh ayaa ah in askari ay Shabaab nolosha ku wateen duleedka magaalada laga helay meydadka isaga iyo raggii afduubtay oo lagu laayey jid-gooyo ay u dhigeen ciidamada GorGor ee xoogga dalka oo shalay aad uga dagaalamay gudaha iyo hareeraha degmada Ceeldheer

Post a Comment

0 Comments