Ciidamada Dowladda somalia iyo Jubaland oo kaabiga ku haya degmo ay ku sugan yihiin Shabaab

Ciidamada Dowladda

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo culus ka wadaan qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ciidamada huwanta ayaa haatan kaabiga ku haya degmada Badhaadhe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shaabaab, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo culus

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay xoreynta degmadaas, si looga saaro xoogaga Al-Shabaab Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab oo ka war heshay gulufka ciidamada isbaheysanaya inay ka guurtay fariisimo muhiim ah oo ay ku lahayd gudaha degmadaasi

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale howlgalkan door wayn ka qaadanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo inuu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dhinac.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa maalin kahor la wareegay deegaanka Buulo Xaaji oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, halkaas oo ay kasii dhaqaaqeen ciidamada huwanta jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka

Post a Comment

0 Comments