Kooxda Al-Shabaab oo qarax ku dishay taliye Mahad Dheere

Kooxda Al-Shabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Mad Dheere) iyo ciidamo kale oo la socdey marxuumka ayaa hadda ahaa taliyahii guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka

Waxaana xilliga la dilayay uu kasoo laabtay howlgal 

Waxaana xilliga la dilayay uu kasoo laabtay howlgal ka dhacay halkaasi allaha u naxariistee Mahad Dheere ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu  yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxa lagu dilay taliye Mahad Dheere.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments