Jeneraal Indhoqarshe oo hal arrin ku taliyey inta aysan dalka ka bixin ATMIS

Jeneraal Indhoqarshe

Cabsi iyo doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee Soomaaliya

 Cabsi iyo doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee SoomaaliyaSoomaaliya, xilli dawladdu mar kale ku celisay inay fulanayso qorshaha ay dalka uga baxayaan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo lasoo af-jarayo dhamaadka sannadkan 2024 taliyiyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay arrintaas

Isagoo sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed

Isagoo sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka maarmaan ciidanka ATMIS hadii ay isku kalsoonaadaan oo kartidii lagu yaqiinay ay adeegsadaan hadda 5 bilood ayaa ka dhiman waqtiga ay baxayaan ciidanka ATMISATMIS, waa ku filan tahay madaxweynayaasha gobollada ee dhahaya waxaa dhacaya firaaq amni, waxaa mudadaas ku abaabuli kartaa ciidan deegaanka ah iyo maleeyo beeleedyo u diyaarsan inay dalkooda xoreystaan,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe

Masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa ATMIS

Masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa ATMIS, oo ka kala socda Uganda, Kenya, BurundiKenya, Burundi iyo Jabuuti, ay kasii mid ahaan doonaan hawlgal kale oo beddeli doona ATMIS muddo hal sano ah, balse ciidamada Itoobiya ka socda ay bixi doonaan dhamaantood bisha Disambar ee sanadkaan 2024-ka arrintaan ayaa imanaysa iyadoo su’aalo la iska weydiinayo diyaar garowga ciidanka xoogga dalka

Jeneraal Indhaqarshe oo horay sanado badan u soo xukumay militeriga Soomaaliya ayaa qaba in ciidanka hadii laga ilaaliyo siyaasadda ay ku filan yihiin amniga dalka wuxuu sheegay markii uu ahaa Taliyaha xoogga in 80% dalka laga xoreeyey argagixisada Al-Shabaab, magaalooyin kooban oo Jilib, Bu’aale, Xarardheere iyo Ceelbuur ay ku jiraan ayuu sheegay inay ku harsanaayeen gacanta cadowga.

Dib u dhac weyn ayuu sheegay inuu jiro markii la eego qorshaha amniga qaranka oo mar hore ay ku habooneyd in dalka laga xoreeyo argagisada, isagoo ku baaqay in gaabiska Meesha laga saaro oo ciidanka lagu hago waajibaadkooda, isagoo kalsooni badan ka muujiyey in ciidanka xoogga Soomaaliya ay nabad ku soo dabaali karaan dalka.

Jananka ayaa ciidamada deegaanka ee macawiisley ku amaanay sida ay ugu guuleysteen xoreynta dhulkooda, wuxuu ku taliyey in ciidankaas tababar iyo taakuleyn la siiyo oo kala dambeyn loo sameeyo, si cadowga ay uga guuleystaan garabna ugu noqdaan ciidanka qaranka.

Post a Comment

0 Comments