Hogaamiyaha Ciidanka Macaawisleyda degmada Ruunirgood Cabdi Taakoow oo fariin adag u diray kooxda Argagixisada ah, asagoo oo ku sugan aaga deegaanka Ceelbacad iyo Ruunirgood.

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka sameeyeen degmada Ruun-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee aggaasi Cabdi Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen goobo iyo talisyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi

Cabdi Taakow ayaa xusay inay howlgalladan

Cabdi Taakow ayaa xusay inay howlgalladan ku gaareen dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanka Daarunimca iyo degmada Ruun-nirgood, ayna isku fureen waddooyin xiran Waxaan howlgal qorsheysan kusoo qaadnay howdka degmada Ruun-nirgood annaga oo kasoo dhaqaaqnay Daarunimca, hadda meesha aan taaganahay waa waddada isku xirta Ceel Bacad iyo Ruun-nirgood waxaana soo marnay deegaano badan” ayuu yiri taliyuhu

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lix nin illaa sideed nin

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lix nin illaa sideed nin oo ka tirsan Khawaarijta ayaa ilaalisa koontaroolada ay meeshaan ku lahaayeen Al-Shabaab taliyaha Macawiisleyda degmada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in awoodda Al-Shabaab ee deegaanadaas ay aad u yartahay, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan halgankooda, iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Howdkan wax joogo oo laga cabsado ma joogaan, waxaan rabnaa inaan horkacno ciidanka Xoogga dalka” ayuu mar kale yiri taliye Cabdi Taakow xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada u dhexeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Post a Comment

0 Comments