Sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Puntland oo xog xasaasi ah shaaciyey

Sirdoonka Puntland

 Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil Maraykanka ah, waxaa sii kordhaya khatarta ay leeyihiin Daacishta Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in ay hoy u noqoneyso hugaamiyaasha caalamiga ah ee ururkan argagixisada ah warkaan ayaa ku soo aadaya xilli dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay duqaymo ka fuliyeen buuraha ay ku sugan yihiin kooxdaas, ee ku yaalla bariga Soomaaliya

Sidoo kale waxaa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika

Sidoo kale waxaa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ay sheegeen dhawaan, in ay mid ka mid ah weeraradii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday kooxda lagu bartilmaameedsaday ninka ugu sareeya kooxda garabkooda Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin Balse ilaa iyo haatan ayaan jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta nolosha ama geerida hugaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka qaybtooda Soomaaliya

Sarkaal horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland

Sarkaal horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland, oo naga codsaday in aynaan magaciisa baahin ayaa sheegay in awoodda kooxda Daacish ay isi soo tareysay tani iyo sanadkii 2018 kii, ayna saldhigteen buuraha Cal-bari, halkaas oo ay dagaalo adag kula galeen ururka al Shabaab ee xulufada la ah al Qaacida
 tan iyo sanadkii 2023 dii ayaa waxa uu sheegay in ay socdeen dagaaladaas, kadibna ay xaqiijiyeen in ay heli karaan aag amni ah oo ay si nabdoon ku joogi karaan madaxda ururka ee Soomaaliya.


Waxa uu sheegay sarkaalkaan in khatarta ugu wayn ee Daacishta Soomaaliya ay ahayd dagaallo uga imaan kara dhanka Shabaabka oo ay ka awood roonaadeen, sidaas daraadeedna ay haatan ku jiraan xaalad xasiloon oo u suuragalin karta in madaxdoodu ay si amni ah ku joogi karaan buuraha 

Axmed Kaboole oo isna ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa waxa uu qabaa in buuraha Puntland ay haatan yihiin halka ugu adag ay heli karaan kooxdu, ayna mar walba iyaga oo ka soo talaabaya dhinaca badda ay madaxdooda Bariga dhexe ku soo jabay ay imaan karaan Soomaaliya saldhig waxay u yihiin bariga Afrika maadaama ay ku soo jabeen Siiriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Kaboole

Dhanka kale sarkaalkaan horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland ayaa sheegay in xogaha sirdoon ee uu hayo ay sheegayaan in tirada ugu badan ee xubnaha kooxda ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin ajanabi Ururka ayaa sidoo kale weeraro uu ka gaystay deegaanada gobolka Bari gaar ahaan caasimadiisa Boosaaso waxa uu ku dilay ganacsato badan, sarkaalka ayaa sheegay in weeradaas kadib ay dhaqaalo ka aruuriyeen deegaanka, kuwaas oo ay u adeegsadeen maalgalinta weeraro kale oo ay ka geysteen Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments