Howlgal la’isugu furayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo billowday

Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Dowladda Soomaaliya ayaa billowday howlgallo

 Dowladda Soomaaliya ayaa billowday howlgallo ballaaran oo la’isugu furayo waddooyinka go’doonsan ee isku xira deegaanada maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland howlgal gaar ah oo ay fulisay guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howgal sifeyn ah waxay ka sameeyeen wadooyinka xiriiriya gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka lagu burburiyey goobo gabaad u ahaa Al-Shabaab, laguna dhibaateyn jiray dadka rayidka ah Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay si wadi doonaan gulufkooda, isla markaana ujeedka uu yahay in la’isku furo saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya

Xaaladda deegaanada laga sameeyay howlgalka

Xaaladda deegaanada laga sameeyay howlgalka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa inuu dhowaan gaaro wajiga labaad ee dagaalka ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya

Wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab waxaa lagu xoreeyay deegaano badan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, waxaana khasaare badan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments