Fashilka dilalkii ay Shabaab u adeegsadeen Google Map iyo rag la qabtay

Kooxda alshabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida 

 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor keenay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dilay Nabadoon caan aha iyo askari ka tirsanaa booliska Soomaaliya, dilalkaas ayaa ka dhacay Muqdisho, waxaana maqan 3 nin oo kale oo dilalkaas wax ka geystay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed ayaa lagu magacaabaa dilaaga maanta la maxkamadeeyey, waxaana yaab leh sida ay dilalkaas u geysteen, maadaama ay isticmaaleen aalado casri ah, si ay u raadsadaan dadka ay dilayaan

Google Map, waa aalada ay adeegsadeen ragga

Google Map, waa aalada ay adeegsadeen ragga uu ku jiray ninkaan maanta la maxkamadeeyey iyo ragga maqan, in la qabto Cabdi waxaa fududeeyey dhaawac soo gaaray markii ay dilka geysanayeen Nabadoon iyo askari istaaf u ahaa ayuu dilay ninkaan, sidoo kale askari kale ayuu Ex control ku dilay, 3 qof dilkood ayuu qirtay ninkaan nabadoonka waxay ku dileen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada oo ninkaas dacwadda ku soo oogay

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Nabadoonka xiliga la dilay

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Nabadoonka xiliga la dilay uu gargaar u qeybinayey qoysas danyar ah oo ku nool duleedka Muqdisho wuxuu ahaa nin darajo iyo maamuus leh, halkaas wuxuu u tegay caawinta bulshada, wanigaa dilay nin dhahaya ayaa maanta na horfadhiya, arxan daradaas ayuu cadeystay Cabdi,” ayuu yiri sidoo kale waxaa la soo qabtay oo maxkamadda la hor keenay ninkii Mooto Bajaaj-ta ku qaaday Cabdi oo dhaawac uu u geystay askarigii la socday nabadoonka la dilay

Kaas oo isna dhintay, waxaana la qabtay Mootada uu sii dhaafeysa Ceelsha Biyaha, si ninka Nabadoonka dilay loo fakiyo Ninka waday Mooto Bajaaj-ta waxaa ku cadaatay in markiisii hore uu ka yimid Al-Shabaab oo waalidkiis ay u gadeen Mooto Bajaaj uu Muqdisho uga shaqeysto, balse si hoose ayuu ugu laabtay kooxdii, siu u ula shaqeeyo, wuxuuna deg deg ugu gurmaday ninkaan loo heysto dilkii nabadoonka oo dhaawac culus uu u geystay askari la socday nabadoonka oo isna halkaas ku dhintay

Post a Comment

0 Comments