Dowladda somalia iyo kooxda Al-Shabaab ma waxaa u bilaabanaya wadahadal?

kooxda Al-Shabaab

Waxaa isisoo taraya war sheegaya in dowladda Soomaaliya

 Waxaa isisoo taraya war sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wadahadal la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab, wadahadalkaas ayaa la qorsheeyey inuu ka furmo dalka Qatar waxaana gar-wadeen ka ah ilaa 3 dowladood oo waaweyn ilo xog ogaal ah oo kala duwan ayaa tilmaameysa in qorshaha wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ay dharaan-dhirinayaan dowladaha Qatar, Turkiga iyo Norway

Inkastoo aan la cayimin waqti, hadana waxaan ogaanay

Inkastoo aan la cayimin waqti, hadana waxaan ogaanay in qorshahaan uu si hoose u bilowday, waxyaabaha la qorsheeyey ee go’aanka laga gaaray ilaa hadda waxaa ka mid ah ergada dowladda Soomaaliya ku meteleysa wadahadalkaas oo gaareysa 300 oo qof, sida aan ku helnay xogta warkaan oo ilaa hadda aan toos u soo shaac-bixin, balse ay u soo dusiyeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan heynaa ilo wareedyo kale oo xoojinaya jiritaankiisa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida dul-marka ah uga hadlay wadahadalka la qorsheeyey in dowladda Soomaaliya ay la yeelato argagixisada Al-Shabaab, isagoo dowladda ka dalbaday in bulshada Soomaaliyeed aan waxaba laga qarin wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo,” ayuu yiri CC Shakuur

Dhankiisa Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta xog ogaalka ah ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay, “WADA HADALKII AL-SHABAAB MIYAA BILOWDAY? shir ay kasoo qayb geleyaan ilaa 300 qof oo qurbajoogta Soomaalida u badan ayaa 22-ka July ka furmaya Doha Qatar shirkaan waxaa soo abaabulay sida la sheegay Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya iyo safaradda Soomaalida ee Qatar inkasta uu yahay shir soconaya 2 maalmood

Hadana ujeedkiisa lama shaacin dadka ka qayb geleya waxay leeyihiin ‘Aniga si hoose ayaa la iigu casuumay cidna hala wadaagin baa la igu yiri’ Waxan isweydinayaa muxuu yahay shirkaan, maxaase loo qarinayaa?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdisalaan Guuleed Sidoo kale Cabdisalaan ayaa sheegay  in shir 300 oo qof oo Soomaali ay ka qayb geleyso uusan aheyn wax la qarin karo, “Mid waa iska cadahay, in Doha muujineyso saameynta iyo xariirka dhow ee dowlada xasan Sheekh ay la leedahay

Sidoo kale wuxuu shirkaas tusaale u yahay in Qatar ay Soomaaliya uga dhowdahay Imaaraadka ayuu qoraalkiisa ku yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tegay dalka Norway ayaa madal ay dad badani ku sugnaayeen ka sheegay inay dhici karto in colaada Al-Shabaab ay wadahadal ku soo dhamaa karto in kastoo uu aad u soo kooban ka hadalka arrintaas, hadana waa farriin muujineysa in damac noocaas ah u uku jiro dowladda Soomaaliya.

Bilo ka hor sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan Muqdisho ka dhacay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Shabaab wadahadal la gasho hadii ay dilka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ka dhaafayaan shacabka Soomaaliyeed Xogta ugu muhiimsan ee qorshahaan la qarinayo daaha ka qaadeysa waa in magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ay ka socoto qaban-qaabada shirweyne ay Soomaali badan ka qeyb geli doonto, kaas oo ajendihiisa aan ilaa hadda la shaacin, balse Caasimada Online ay la hadleen qaar ka mid ah ergada lagu casuumay

Post a Comment

0 Comments