Dagaal culus oo ka socda duleedka Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Dagaal beeleed

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed goordhow ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan dagaalka ayaa si gaar ah uga soca deegaanka lagu magacaabo Taragaduud oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka oo ah mid xoogan

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka oo ah mid xoogan ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka ayada oo gurmadyo ay helayaan labada beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelgaras

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalka ka qarxay aagga magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb dagaalkan ayaa daba socda dil argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Bulacle oo isna u dhow Dhuusamareeb, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, waxaana lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta isaga baxsaday.

Isku dhacyadan ayaa uga sii daraya xiisadaha colaadeed ee haatan ka jira gobollada dhexe, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale, waxaana dhowaan dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay duleedka Caabudwaaq, kaas oo hal maalin oo kaliya lagu dilay illlaa 50 qof galmudug ayaa haatan wadda dadaallo dheeri ah, waxaana haatan gogol nabadeed oo uu dhigay  Qoor Qoor ay taallaa Dhuusamareeb, balse weli colaadda kasii dareysa

Post a Comment

0 Comments