Kooxda Al-Shabab oo dhexdooda ku dagaalay gobolka Baay

Kooxda Al-Shabab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal xoogan

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal xoogan oo maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Baay oo hoostaga Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ufurow, kadib markii uu isfaham-waa xoogan soo kala dhex-galay maleeshiyaadka kooxda

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay isku dhaca kooxda Al-Shabaab dhexdeeda ayaa lagu sheegay inay isku qabteen lacago ay kasoo aruuriyeen shacabka sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weli ay xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana dhinacyada dagaalamay ay abaabul ka wadaan aagga deegaanka Afurow ee gobolka Baay

Dagaalkan deegaanka Ufurow ku dhexmaraya khawaarijta

Dagaalkan deegaanka Ufurow ku dhexmaraya khawaarijta ayaa ah mid salka ku haaya lacagaha baadda ahaa ee ay shacabka ka qaataan kuwaa oo ah xoolaha nool oo dadka deegaanka xoog looga qaatay, waxaana sidookale hadda jira abaabul dhaxdooda ah oo haatan ka socda deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

Ugu yaraan laba xubnood ayaa lagu dilay dagaalka, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa kale oo lasii raaciyay “kala shaki soo kala dhex galay argagixisada oo haatan ku kala qeybsan baadda iyo xoolaha dadka deegaanka ay ka dhacaan ayaa yimid kadib markii dowlada Soomaaliya ay xooga saarta y la dagaalanka kooxaha khawaarijta ah”

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maleeshiyaadkeeda ku dhex-maray gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya Si kastaba tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah

Post a Comment

0 Comments