Ciidamada dowladda somalia oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ah kana furtay hub fara badan

Ciidamada dowladda

Wararka naga soo gaaray gobolka galgaduud

 Wararka naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal culus ka fuliyeen agagaarka degmad Ceeldheer, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ciidamada huwanta ayaa weerar ku qaaay Cali-cadhoole oo u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga qaarkood dilay

Kana soo furtay hub, sida lagu sheegay qoraal

Kana soo furtay hub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 xubnood, isla markaana laga soo furtay hubkii ay wateen maleeshiyaadka lagu khaarijiyay howlgalka howlgal afjar ah oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay toddoba (7) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta

Waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan

Waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka

Ciidamada ayaa weli sii wada howlgalkooda, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay sheegeen dadka deegaanka Dhinaca kale  ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka galgaduud ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo iyaguna weeraro ka fuliya gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments