Muqdisho oo gashay xalad amni oo culus iyo dhagxaan lagu jaray goobo muhiim ah

Muqdisho

 Cabsi dhanka amniga ah oo xoog leh ayaa ka taagan magaalada Muqdisho

Cabsi dhanka amniga ah oo xoog leh ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay muujisay feejignaan weyn si looga hortago in weerarro argagixiso ay ka dhacaan caasimadda ciidamada ammaanka ee Booliska iyo Nabad sugidda ee ka howlgala Muqdisho ayaa la kordhiyey tiradooda

Waxaana si gaar ah loo adkeeyey ammaanka dhowr goobood

Waxaana si gaar ah loo adkeeyey ammaanka dhowr goobood ay ay ka mid yihiin Hoteelada ku yaalla xeebta Liido, aagga garoonka Aadan Cadde, xarunta wasaaradda arrimaha dibadda iyo goobo kale oo laga cabsi qabo inay weerarro ka dhacaan xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mid ah goobaha laga digayo inay Shabaab weeraraan, waxaa lagu wareejiyey dhagaxaan iyo juwaano ciid ah, sidoo kale waxaa la kordhiyey ciidamada ilaaliya wasaaradda

Sidoo kale cabsida amni ee saacadihii lasoo dhaafay 

Sidoo kale cabsida amni ee saacadihii lasoo dhaafay ay gashay Muqdisho ayaa sababtay inay dalka ka joogsadaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, kadib markii ay soo baxday digniintii dowladda Mareykanka aagga madaxtooyada Soomaaliya waa halka ugu daran oo si aan horay loo arkin loo adkeeyey amniga, hadana habeen hore waxaa lagu garaacay Hoobiye la garan waayey halka laga soo riday

Waxaana caasimadda Muqdisho ka jirta feejignaan amni tii ugu sareysay ee waayahaan la arko sidoo kale, ilaalada safaaradaha ku yaalla xarunta Xalane ayaa aad loo adkeeyey, si looga hortago weerarrada argagixiso ee laga digayo, maadaama Xalane ilaa aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loo badinayo digniinaha soo baxaya

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii hotel SYL waxay Muqdisho gashay xaalad amni iyo feejignaan aan horay loo arag oo ciidamada amniga ay bilaabeen, waxaana adkaaday isku socodka magaalada meelaha qaar waxaa la soo dhigay dhagaxaan looga hortegayo weerarrada dhici kara, irdaha laga galo garoonka Aadan Cadde qaarkood ayaa lagu jaray dhagaxaan cusub, iyadoo la kordhiyey ciidamadii horay uga howlgeli jiray

Sidoo kale ciidamada Boolis-militeri ee suga amniga Caasimadda ayaa qaarkood loo saaray banaanka magaalada, si daafaha magaalada ay ugu ugaarsadaan argagixisada weeraradooda laga baqayo, waana tallaabo cuuryaamisay qorshayaashii halista ahaa ee weerarrada Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments