Qorshe ay damacsaneyd kooxda Al-Shabaab oo laga hortegay

koxda alshabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday meel 40 KM u jirta degmada Xarardheere oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala eegtay saldhigyo

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala eegtay saldhigyo ku yaalla halkaasi, isla markaana uu jiro khasaare la gaarsiiyay kooxda Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntaas looga hortegay weerar ay Al-Shabaab ay doonayeen inay ku qaadaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in Shabaabkii

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay halkaasi ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac, sida ay hadalka u dhigeen waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in la burburiyay gaadiid iyo xarumo ay kooxda ku lahayd goobaha la duqeeyay 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socdat dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada huwanta iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaano ku yaalla gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments