Mucaaradka dowladda oo laba garab u kala jabay iyo arrimaha ay isku diidan yihiin

Mucaaradka dowladda

Soomaaliya waxaa suurta-gal ah

 Soomaaliya waxaa suurta-gal ah in markii ugu horreysay aanay mucaaradka isku weel noqonin oo aanay u midoobin dagaalka kursiga looga dajinayo madaxweyne Xasan Sheekh wixii ka dambeeyay sanadkii 2004 marwalba waxaa jiray mucaarad isku mowqif ah, kulma oo ka doodda sida kooxda xukunka joogta loo bixin karo oo gunaanadkana codadka isku biiriya, si uu isbeddel u dhaco

Laakiin doorashada nagu soo aadan

Laakiin doorashada nagu soo aadan hanaan midkii hore ka duwan oo mucaaradnimo ah ayaa la arki karaa. Durba laba daraf oo mucaarad ah oo isdiidan ayaa soo ifbaxay Dhinac waxaa taaga laba madaxweyne hore waa Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhinaca kalena waxaa taagan ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo siyaasiga mowqifkiisa guur-guurin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Sheekh Shariif wuxuu markii hore la bilaabay garabka Kheyre

Sheekh Shariif wuxuu markii hore la bilaabay garabka Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur laakiin tan iyo markii Farmaajo kula kulmay waddanka Turkiga oo ay soo baxday inay labada dhinac midoobeen, wuxuu Shariif ka xarig furtay garabkii hore wuxuuna ku weel noqday Farmaajo waxaa la sheegay inuu labadii billood ee lasoo dhaafay dhowr jeer isku dayay inuu dhinacyada oo dhan isku biiriyo oo uu soo saaro mucaarad mideysan

Laakiin sidan xogta ku helnay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa diiday inay Farmaajo ku koox noqdaan Isku dayo uu Shariif Sheekh Axmed waday oo aheyd in mucaaradka dhamaan Xamar iskugu tagaan oo ay shir wada-jir ah qabtaan ayaan shaqeynin

Post a Comment

0 Comments