Macawiisleyda degmada Xarardheere oo maanta la gaarsiiyey lacag uu ku abaal-mariyey madaxweynaha

Madaxweyne xasan sheekh

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lacag abaal marin ah u diray ciidanka macawiisleyda ah ee degmada Xarardheere ka difaacay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab lacagtaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u wakiishay taliyaha ururka 3-aad ee Gorgor Gaashaanle Cali Cagey ayaa maanta lagu qeybiyey fagaare ku yaalla duleedka magaalada Xarardheere oo difaac ay uga jiraan ciidamada deegaanka

Inkastoo aan la shaacin cadadka ay dhan tahay lacagtaas

Inkastoo aan la shaacin cadadka ay dhan tahay lacagtaas, hadana waxaa la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhiirigeliyey ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka oo ku guuleystay inay ku faro-adeygaan magaalada Xarardheere Boqolaal askari oo macawiisley ah ayaa maanta lagu feyliyey fagaarihii lagu qeybiyey lacagtaas oo loogu talo galay inay carruurtooda ku ciidsiiyaan

Taliyaha ayaa markii uu lacagta ku wareejiyey ciidanka

Taliyaha ayaa markii uu lacagta ku wareejiyey ciidanka wuxuu kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howlgallo adag oo Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada hoos taga degmada Xarardheere macawiisleyda ka soo jeeda degmada Xarardheere ayaa aad loogu amaanay si ay ugu jilib dhigeen wixii weerar uga yimid dhanka Al-Shabaab, maadaama ay kooxdu dooneysay inay awood kula wareegto degmadaas

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hors afar ku tegay degmada Xarardheere, xiligaas ciidamadii uu la kulmay oo uu soo xogwareystay ayey ku jireen ciidamada maanta la gaarsiiyey lacagta uu bixiyey madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale Madaxweynaha ayaa maalinkii uu tegay Xarardheere wuxuu hal darajo dalacsiiyey dhamaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugnaa magaalada Xarardheere

Kuwaas oo Khawaarijta ka difaacay dadka iyo deegaanka Al-Shabaab ayaa marar badan isku dayey inay awood kula wareegay magaaladaas muhiimka ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xarardheere ku tilmaamay astaanta halganka Khawaarij iska xoreynta ah ee ka socda Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments