Dowladda somalia oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu dilay duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Mudug

Dowladda somalia

 Dowladda federaalka Soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 dagal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday deegaan u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, sida ay sheegtay dowladda

Warbaahinta dawladda federaalka

Warbaahinta dawladda federaalka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in hawl-galkaan ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab Howl-galkan ay sheegtay dowladda inay ku dishay Shabaabka badan ayaa imanaya ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda ay sheegatay inay dishay in ka badan 80 ka tirsan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Xubnahaas ayaa markaas la sheegay in lagu dilay

Xubnahaas ayaa markaas la sheegay in lagu dilay hawl-gallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool si kastaba, Xarardheere ayaa toddobaadyadii tegay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa

Shabaab ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore laga xoreeyay, kaasi oo u muuqda isku-day fashilmay, maadaama uu dhawaan halkaasi tegay madaxweyne Xasan Sheekh, dibna looga bilaabay dar-darta gulufka uu gaabiska ku yimid bilihii dambe

Post a Comment

0 Comments