Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay madaxtooyada HirShabelle

madaxtooyada HirShabelle

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada HirShabelle, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada maamulkaas oo ku dagaalamay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadka

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadka dhex-maray ciidamadaas, waxaana jira dhaawacyo kale oo soo gaaray askarta dagaalantay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay waxyeelo soo gaartay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa aagga Madaxooyada ee lagu dagaalamay, halkaas oo weli laga dareemayo xaalad kacsanaan ah

Wararka ayaa intaasi ku daray in haatan ay socdaan

Wararka ayaa intaasi ku daray in haatan ay socdaan dadaallo dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta HirShabelle oo ku baxay xiisaddaasi ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda saree e HirShabelle oo ku aadan shaqaqaada ka dhacday halkaas oo si weyn looga dareemay magaalada Jowhar

Horay sidaan oo kale waxaa aagga Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ugu dagaalamay ciidamada HirShabelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, wallow mar dambe la xalliyay xiisaddooda jowhar waxaa sidoo kale mararka qaar ka dhaca falal amaan darri oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay gaystaan xubnaha kooxda Al-Shabaab iyo kuwa kale oo ay gaystaan maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ku sugan gudaha magaaladaasi

Post a Comment

0 Comments