DFS oo ka hadashay duqeyn lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab leeyihiin

Kooxda Alshabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan duqeyntan oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah oo kaashanayaa ciidamada Xoogga dalka ayaa si gaar aha uga dhacday duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaasi

Wararka ayaa sheegay in weerarkan lala beegsaday

Wararka ayaa sheegay in weerarkan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab isku uruursaayeen oo ku yaalla deegaanka Jicibow oo qiyaastii 20 KM u jira degmadaais, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kooxda kasoo saaray duqeyntaas ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen gantaallada ay ridayeen diyaaradaha, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha kasoo gaaray Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen maleeshiyaad iyo hoggaamiyeyaal ku sugnaa goobta la duqeeyay, balse ma shaacin tirada rasmiga ah iyo magacyada xubnaha lagu dilay halkaasi sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jicibow

Isla markaana gaadiid iyo hub laga gubay, sida ay hadalka u dhigeen ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelleMuddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments