Maxay ciidamada cusub ee Soomaaliya ay dalbatay uga duwan yihiin kuwa ATMIS?

Ciidamada Atmis

 Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa aqbalay

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa aqbalay, soona dhoweeyey codsi ay gudbisatay dowladda Soomaaliya oo ahaa in la helo ciidamo caalami ah oo beddela kuwa howlgalka ATMIS dowladda Federaalka ayaa si gaar ah Midowga Afrika uga dalbatay inuu hoggaamiyo ciidamo caalami ah oo shaqada kala wareegi doona howlgalka ATMIS marka lasoo gabagabeeyo bisha December ee sanadkan 2024-ka

Aqoonyahan Axmed Kaboole oo ka falanqooda

Aqoonyahan Axmed Kaboole oo ka falanqooda arrimaha amniga ee gobolka ayaa uga hadlay arrimaha ciidamada wuxuuna shaaciyay inay ka duwan tihiin kuwa howlgalka ATMIS Axmed Kaboole ayaa sheegay ciidamadan la filayo in la keeno Soomaaliya ay ka tiro yar yihiin kuwa baxaya ee ATMIS ayna ilaalin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda

Tiro ahaan marka la fiiriyo way ka yar yihiin ciidanka ATMIS

Tiro ahaan marka la fiiriyo way ka yar yihiin ciidanka ATMIS, waxayna noqon doonaan ciidamo garab siiya ciidamada federaalka ee Soomaaliya ha noqoto inay tababar siiyaan ama xarumaha muhiimka ah ee dowladda in ay sii waardiyeyaan” ayuu wareysigan ku yiri Falanqeeye Axmed Kaboole

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamadan ay caawin doonaan kuwa dowladda federaalka isla markaana ay siin doonaan tababar iyo taageero joogta ah howlgalkooda wuxuu noqonaaa caawinaad ayada oo la dhisayo Ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay taageero u siiyaan” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dhowro xerooyin oo ay banneeyeen ciidamada howlgalka ATIMIS oo dhammaadka sanadkan ka bixin doona dalka

Post a Comment

0 Comments