Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay qaddiyadda Somaliland, isaga oo sheegay in 30 sano kadib calanka Soomaaliya la geyn doono Hargeysa Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay soo afjari doonto wux uu ugu yeeray ruwaayadda 30 sano jirsatay ee uu kala jeedo gooni isku taagga Somaliland
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan dowladda Soomaaliya
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in lasoo celiyo midnimada Soomaaliya, Somaliland-na ay qeyb ka noqoto dowladnimada dalka hadalkan ayaa wasiirku waxa uu ka sheegay bandhigga buuqa Hadhiwaa oo uu qoray Maxamed Haldoor oo ka yimid magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in Haldoor inta uu jiro caafimaadka dalka dibaddiisa calanka buluugga ah la gayn doono Somaliland
Waxaan arkayay Maxamed oo calankii Soomaaliyeed
Waxaan arkayay Maxamed oo calankii Soomaaliyeed oo dusha laga saaaray oo xooggaa yar yax yaxaya. Haka yax yaxin, intaad caafimaad ku maqan tahay, ayaa calanka Hargeysaa la gaynayaa. cid ku taabanaysa ma jirto.” ayuu khudbaddiisa yiri wasiir Fiqi sidoo kale horay uga jawaabay hadal kaftan u muuqda oo guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe uu ka qoray masuuliyiin uu ku jiro Fiqi
Guddoomiye Feysal ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Odawaa ay soo xirteen dhar ay ‘bililiqeysteen sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dowladnimada Soomaaliya Fiqi ayaa isna ku jawaabay “Balse Fiqi wuxuu sheegay in ayaguna ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu cadeyn lahaayeen masuuliyiinta Somaliland “beenta ay bulshada u sheegayeen muddo 30 sano ah.”
0 Comments