Xogta sarkaal sare oo Mareykan ah oo loo xiray iibinta macluumaad xasaasi ah

Sarkaal mareykan

 Askari ka tirsan ciidanka Maraykanka

Askari ka tirsan ciidanka Maraykanka ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyey in macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan awoodda militari ee Maraykanka uu bixiyey, sida ay sheegtay wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka saajin Korbein Schultz oo sidoo kale ah nin sirdoonka la shaqeeya ayaa lagu eedeeyey lix gal dacwadood oo ay ku jiraan inuu maleegay inuu helo

Islamarkaana banaanka soo dhigo macluumaad

Islamarkaana banaanka soo dhigo macluumaad la xiriira arrimaha militariga iyo isaga oo laaluushay sarkaal dawladda u shaqeeya ninkan oo 24 jir ah ayaa lagu xiray xerada Fort Camphell oo ku taalla xadka gobolada Tennessee iyo Kentucky, in yar uun ka dib markii eedihii loo jeedinayey ay soo baxeen, Khamiistii

Sida eedaha ku qoran, Schultz oo ogolaansho sare

Sida eedaha ku qoran, Schultz oo ogolaansho sare u haysta arrimaha dawladda ayaaa lagu eedeeyey inuu wax la maleegay qof hadda lagu magacaabay “Conspirator A”, isaga oo dokomentiyo, sawirro, iyo waxyaabo kale oo gaashaandhigga waddanka la xiriira la wadaagayey ilaa bishii June ee sanadkii 2022 eedda ayaa lagu sheegay in Schultz loo qortay in uu haystay darteed awoodda galaangalka arrimaha dawladda.

Waxyaabaha lagu eedaynayo in Schultz uu bixiyey ayaa waxaa ku jira hanaanka gantaaladda artilariga, daraasado la xiriira horumarinta mustaqbalka ee ciidanka Maraykanka iyo daraasado la xiriira dhoolla-tusyada iyo hawl-gallada ay sameeyaan dalal waaweyn sida Shiinaha oo kale 

Post a Comment

0 Comments