Lix saldhig oo ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab oo la duqeeyay

kooxda Al-Shabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo

Xubnaha lagu dilay weerarkan iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala eegtay kooxda Al-Shabaab duqeymahan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa waxaa lala beegsaday 6 saldhig oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Wararka ayaa sheegaya in saldhigyad la duqeeyay

Wararka ayaa sheegaya in saldhigyad la duqeeyay ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsana kooxda, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay weerarkaasi sidoo kale waxaa xarumaha la duqeeyay ku sugnaa saraakiil ajaaniib ah oo ka barbar dagaalanta kooxda, sida ay sheegayaan wararka horudhaca ah eel aga helayo duqeyntaas

Xubnaha lagu dilay weerarkan

Xubnaha lagu dilay weerarkan ayaa waxaa kamid ah saraakiil magacyadooda lagu soo koobay Abuu Xasan, Abuu Cali, Abuu Basma iyo maleeshiyaad kale oo joogay saldhigyada la duqeeyay waxaa sidoo kale jira burbur xoogan oo ka dhashay xarumo ay kooxda ku lahayd xadka gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee koonfurrta Soomaaliya

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan lagu gaarsiiyay muddooyinkii u dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran

Post a Comment

0 Comments