Horjoogayaal ajaaniib ah oo ka tirsan kooxda alshabaab ayaa howlgal lagu dilay

kooxda alshabaab

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maalintii saddexaad oo xiriir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howlgallo culus ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Jubbaland howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah:- Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka iyo kuwa kale, iyada oo lagu dilay Al-Shabaab fara badan

Xubnaha la laayey ayaa isugu jiro horjoogaal Soomaali ahaa

Xubnaha la laayey ayaa isugu jiro horjoogaal Soomaali ahaa, kuwa ajaaniib ah iyo maleeshiyaad kale, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in tirada dhimashada ay gaareyso illaa 35 xubnood oo isugu jiro saraakiil sar sare iyo dagaalamayaal, kuwaas oo loogu daaday godadkii ay ku jireen

Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii

Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaanadaas, waxaana la dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira, Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka

Dhinaca kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalkan kusoo qabtay illaa 7 kale oo ka tirsan kooxda Al-Shababa, kuwaas oo ay bandhigeen ciidamada huwanta ah xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasu khasaaraha culus lagu gaarsiiyay Jubbooyinka ayaa maalmihii u dmabeeyay waxaa ka socday guluf ay iska kaashanayaan dowladda iyo Jubbaland, si Al-Shabaab looga xoreeyo gobolladaas oo ay ku xoogan yihiin

Post a Comment

0 Comments