Deegaanka Farlibaax ee Galbeedka Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay ciidan cusub oo kamid noqonaya Xooggaga Xoreynta deegaan.

Kooxda alshabaab

 Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka

Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka, isla markaana aad u qalabeysan ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo booliska HirShabelle ayaa ciidamadan kula hadlay barxadda degmada Farlibaax, halkaas oo ay kusoo bandhigeen dhoolatus milatari

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay taliyaha qaybta booliska

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay taliyaha qaybta booliska gobolka Hiiraan ee HirShabelle Isaaq Cali Cabdulle, kaas oo sheegay in ciidamadan cusub ay ka qayb-qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada dhaca galbeedka

Waxaan diyaar u nahay annaga oo u hoggaansameyna

Waxaan diyaar u nahay annaga oo u hoggaansameyna awaamiirta madaxda qaranka ee ah in lala dagaalamo cadowga Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Hiiraan sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Korneel Maxamuud Ibraahim Baakaay oo dardaaran u jeediyay ciidamadaasi.

Bakaay ayaa sheegay in hubkan tirada iyo ciidamadan cusub loo diyaariyay inay xoreeyaan deegaanada ay haatan maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idin hor imaado, Farlibaax oo maanta waxaan qoray ah ay yaallaan iyo waxaan oo hub culus ah iyo waxaan oo wiil ah ay xaadir ku yihiin” ayuu yiri.

Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa weli ka socda guluf ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda

Post a Comment

0 Comments