Kooxda Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay howlgal ka dhacay Koonfur Galbeed

Kooxda Al-Shabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab howlgallada ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada kala ah Beeley iyo Buur-haybe oo ka tirsan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay

Ururka 161-aad, gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab

Ururka 161-aad, gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa fuliyay howlgalka, iyaga oo beegdaday xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada ay gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Sidoo kale waxaa cagta la mariyay goobo kale

Sidoo kale waxaa cagta la mariyay goobo kale oo ay kooxda lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida lagu sheegay qoraalka geesiyaasha kumaandooska Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen khawaariijta Sidokale waxaa la burburiyeey goobohi khawaariijta dadka shacabka ah kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka” ayaa lagu yiri qoraalka

Waxaa kale oo la raaciyay warsaxaafadeedka “Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa ah awooda sida tooska ah ugu hortagta baacsiga firxadka haraadiga khawaariijta xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaxa kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi

Maalmihii dambe ayaa waxaa gobollada Baay iyo Bakool ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed

Post a Comment

0 Comments