Qorshe culus oo Al-Shabaab ay damacsaneyd oo laga hortagay lana bur-buriyay

 
Kooxda Alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab war kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysay goobta la weeraray

Lagana hortegay qorshe culus oo ay damacsaneyd

Lagana hortegay qorshe culus oo ay damacsaneyd howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka ayaa lagu bartimaameedsaday koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay gobolka Shabeellada Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka ma shaacin dowladdu goobta uu sida gaarka ah uga dhacay howlgalkan, marka laga soo tego inuu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay ugu yaraan saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu burburiyay dhagar ay soo maleegeysay kooxda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka howlgalka waxaa lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah, waxaana goobta lagu burburiyay dhagartii ay maleegayeen” ayaa mar kale lasii raaciyay

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya muddooyinkii dambe ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ayaa howlgallo culus ka waday gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiisay Al-Shabaab, loogana xoreeyay dhul balllaaran

Post a Comment

0 Comments